Muqdisho (Caasimada Online)-Weerar ismiidaamin ah ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Weerarka ayaa u muuqda mid loo adeegsaday Gaari nooca walxaha Qarxa laga soo buuxiyay kaasi oo ku beegan dhanka Lm4.
Dadka qaar ayaa sheegaya in weerarka uu yahay mid gudaha loogu galay Hoteel Ambasador oo dhinaca ku haya Isbitaalka Daarushifa ee magaalada Muqdisho.
Gudaha Hoteelka ayaa la sheegayaa in laga maqlaayo rasaas xoogan, waxa ayna dadka ku dhow dhow soo warinayaan in gudaha loo galay Hoteelka.
Qaraxa ayaa ku bilowday Gaari, waxaana xigay ilaa 3 Qarax oo kale.
Waxaa inta badan la xiray wadada maka al-mukarama, waxaana dhanka LM4 ku qulqulaaya gaadiidka gargaarka ee loo yaqaan Ambalaaska.
Lasoco wararkeena danbe wixii kusoo kordha
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

