Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Hay’adaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta howlgal gaar ah waxa ay ku qabteen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo tirro ahaan lagu sheegay ilaa 5 Askari iyo 10 kale oo shacab ah.
Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay ku howlanaayeen iibsiga Saanado Millatari oo Ciidamo AMISOM ay leeyihiin.
Askartan, ayaa waxaa la soo qabtay iyagoo agabyo ay leeyihiin Ciidanka AMISOM ku iibinaya wakaaladii hore biyaha, oo ku dhow Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay in askartan la soo qabtay iyagoo iibinaya agabyo badan oo ay leeyihiin Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.
Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka, Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in askartan lala soo qabtay 10 qof oo Soomaali ah, islamarkaana ay sharciga horkeeni doonaan.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA











