Geerida Muhammad Ali oo loo adeegsaday siyasada durbaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee dowlada Mareykanka ayaa bilaabay in Geerida Feeryahankii Caanka ah ee Maxamed Cali Kalaay u adeegsadaan Ololahooda.

Geerida ayaa waxaa dhanka Siyaasada u isticmaalay Musharaxiinta kala ah Donald Trump iyo Bernie Sanders.

Bernie Sanders iyo Donald Trump ayaa ka kala sharxan xisbiyada Jamhuuriga iyo Xisbiga Dimuqraadiga Mareykanka.

Mr Donald ayaa sheegay in feeryahanka Maxamed Cali Kalaay uu ahaa shaqsi geeridiisa ay xanuun jisay dhammaan Umadda, islamarkaana la tabi doono maqnaan shiyihiisa Kalaay.

Donald waxa uu tilmaamay in Kalaay uu horyaal u ahaa dunida oo idil, ayna tabi doonaan guud ahaanba shacabka Mareykanka.

Waxaa hadalka Donald Trump ka hor imaaday Senatar Bernie Sanders, oo ku Tilmaamay hadalka Trump mid laba wajiil-nimo.

Senatar Bernie Sanders, waxa uu sheegay in dood dhexmartay Kalaay iyo Donald uu Mr Donald u gafay feeryahanka, hayeeshee iminkana uu doonaayo inuu u adeegsado marxuumka geeridiisa.

Senatar Bernie waxa uu yiri ” Ololaha Donald waxa uu gaaray heer kuwa dhintay uu u adeegsado doorashada, taageerayaasha Donald waxaan u cadeynayaa inaanu sax aheyn hadalka Donald waayo waa nin aad kaga soo horjeeda Muslimiinta”

Donald Trump waxaa lagu sifeeyaa inuu yahay nin aad kaga soo horjeeda Islaamka waxa ayna dhawaan geerida Kalaay ka hor is khilaafeen marxuumka.

Tani waxa ay muujineysaa loo lanka Musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee dalka Mareykanka kuwaasi oo doonaaya in magaca Kalaay ku gaaran kursiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com