Ahlu-Sunna oo ku dhawaaqday go’aan ka duwan midka DFS.!!

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanada ay maamulaan Ahlu sunna ayaa lagu sheegaya in deegaanada maamulkaasi aan maanta laga sooneyn maalinta koowaad ee Ramadaan.

Qaar kamid ah wariyaasha deegaanada Galgaduud oo Ahlu sunna ka taliso ayaa inoo xaqiijiyay in magaalooyinka Caabudwaaq, Dhuusomareeb iyo deegaano kale aan la sooneyn.

Laakiin wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dad fara ku tiris ah ay sooman yihiin kuwaasi oo ku sugan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Maamulka Ahlu sunna ayaa ku dhawaaqay go’aan ka duwan midkii dowlada ay shaacisay oo ahaa in maanta soon ay tahay, waxaana Ahlu sunna la sheegay iney shaacisay in maanta aysan soon aheyn.

Dadka qaar ee ku sugan deegaanada Ahlu sunna ayaa sheegaya in aragti ay doonayaan iney ku soomaan ayna ku furaan.

Ahlu sunna deegaanada ay maamusho ayaa sanadihii ugu dambeyay khilaafsanaa soonka iyo ciidaha ummada Islaamka, waana tan keentay in dad badan ay la yaabaan.

Caasimada Online
xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com