Muqdisho (Caasimada Online) – Dadkii ka qeyb galay doodii Universal TV uu qabtay dhowr habeen ka hor ee madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa ka mid ahaa Sheekha Soomaaliyeed ee caanka ah ee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.
Sheekh, ayaa si toos ah ula hadlaya una dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo su’aal adag weyndiinaya.
Sheekh Nuur Baaruud, waxa uu madaxweyne Xasan indhaha ka saaray runta, isaga oo u sheegay inuu yahay nin jilecsan, oo aan lahayn go’aan adag, taasina ay keentay inuu isku duwi la’ yahay waddanka.
Waxa kale oo uu madaxweynaha ku eedeeyey inuu xilalkii dowladda u dhiibay ninba ninka ka xun, uuna dad aad u liita u gacan geliyey xilal muhiim u ah dalka.
Halkan ka daawo Sheekh Nuur Baaruud
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]