Daawo: Sheekh caan ka ah dunida oo geeriyooday isagoo akhrinaaya qur’aanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa geeriyooday allaha u naxariisteen Sheikh Ja’afar Abdulrahman oo kamid ah Sheekhyada dunida ugu caansan marka la eego dhanka akhrinta qur’aanka kariimka.

Sheekhaani ayay nafta ka baxday isagoo akhrinaaya qur’aanka Kariimka gaar ahaan suuratul Al Mulk, waxa uuna kasoo jeeda dalka Indonesia oo dadkiisa ay caan ku yihiin qur’aanka lagu akhriyo fusxadaha kala duwan.

Sheikh Ja’afar Abdulrahman ayaa ka mid ahaa culumada ugu horeysa caalamka qur’aan akhriska, wuxuuna illaahey waafajisay wanaag xili uu akhrinayay Suuratul Mulk ama Tabaarak oo ah suurad ka hadleyso sababta illaahey u abuuray insaanka.

Sheikh Ja’afar Abdulrahman, ayaa dhulka dhacay isagoo afka ku haya qur’aanka waxaana usoo gurmaday tirro dhalinyaro ka tirsan xirtiisa qur’aanka oo dhulka dhigay.

https://www.youtube.com/watch?v=W0TYwSNoDcE&list=UUp59cWPUAcx-epEr0givuww&index=1