28.2 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Daawo: Sheekh Cali Wajiis oo si weyn DF uga difaacay barakicinta shacabka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo kamid ah golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn dowladda federaalka Soomaaliya uga difaacay eedeymaha la xiriira barakicinta shacabka ee dhulka danta guud ee caasimada.

Sheekha oo wareysi gaar siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ka culumo ahaan aysan xaqiiqo u hayn barakicinta mar kasta lagu eedeeyo dowladda, sida uu ku sheegay wareysiga.

“Arrinta barakicinta oo dowladdu wax barakicineyso intaan soo baarnay sow ma xaqiijin ma’uuliyiintana waa iska aragnay in dadka loo turo” ayuu yiri Sheekha.

Sheekh Cali Wajiis ayaa tilmaamay in dowladda ay xaq u leedahay dhulalka danta guud inay maamusho, cidda ay rabtana ay ka iibiso, maadaama ay milki ahaan iyadu leedahay.

“Dowladdu dhulka ay leedahay inay ka kiciso dadka hadane ay dad cusub ka gado ama ay u sharciyeyso kuwii hore intaba xaq ayay u leedahay” ayuu sii raaciyay Sheekh Cali Wajiis.

Waxaa kale oo uu ka hadlay arrinta jir-dilka loo gaysanayo dadka deggan dhulalka danta guud, wuxuuna sheegay in aan lagu eedeyn karin Madaxweynaha, balse ay tahay in lagula xisaabtamo ciidamada iyo taliyeyaashooda.

“Qofka wax dila ama dhulka wax ku jiida waa in askariga sameeya lasoo qabto oo sharciga la horgeeyo dowladda laguma eedeyn karo, laakiin askarta ayaa lagu eedeynaa taliyaha askartaas xukumo ayaa lasoo qabanayaa ama xilka laga qaadayaa” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay dhulalka danta guud, kadib markii la burburiyay xaafado dhowr ah oo ku yaalla caasimada, lana barakaciyay dhammaan qoysaskii deganaa.

- Advertisement -

Read more

Local News