Daawo: SHEEKH SHARIIF: Farmaajo waxaa u fiicneyd in laga guuleysto + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyinihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Mudane Sheekh Shariif Sheekh oo khudbad ka jeediyey caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo isbedelka siyaasadeed ee Somalia ka dhacay.

Shariif ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay horumarka ay Somalia ka gaartay doorashada, wuxuuna bogaadiyey sida ay labada Madaxweyne isugu wareejiyeen talada dalka.

Sidoo kale wuxuu u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh oo uu u ballan qaaday inuu la shaqeyn doono, halka Farmaajana uu ku boggaadiyey kaalintiisa.

“Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo walaalkey Madaxweyne Xasan Sheekh, sidaas oo kale waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo walaalkey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayuu yiri.

Madaxweynihii hore ee dalka oo u qalbi qaboojinayey Farmaajo ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay u wanaagsaneyd in xilka looga guuleysto, uuna taas u arko cadaalad.

“Aniga waxaan aaminsanahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu guuleysto iyo in laga guuleysto waxaa u fiicneyd in laga guuleysto, sababtuna waxay muujineynsaa wixii aan annaga sheegeynay oo aheyd doorashada cadaalad ma’aha wax ka duwan, marka meesha waxa laga rabo cadaalad ayey ahaayeen,” ayuu markale yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Haddii uu isaga soo noqon lahaa waxaan dhihi laheyn cadaalad ma’aha. Waa kaftan intaas,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo Soomaaliya uu ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May ee looga adkaaday Farmaajo, waxaana kusoo baxay Xasan Sheekh Maxamuud oo noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee mar labaad dib loo doortay.