Daawo: Sh. Xuseen Jabuuti oo ka digay 3 arrin oo khatar ku ah jiritaanka Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xuseen Cali Jabuuti oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee waaweyn oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho, kana yimid dalka dibadiisa ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediyey Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Khudbadda Shiiqa waxaa dhageysanayey oo Masjidka Salaadii Jimcaha ku soo dukaday masuuliyiin badan oo ka tirsan hey’adaha dowladda, qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha dowladda, saraakiil ciidan iyo dad kale oo isugu jiray culimo, aqoonyahano iyo ganacsato.

Sheekh Xuseen Jabuuti ayaa khudbadiisa uga hadlay seddax qodob oo muhiim ah oo dadka Soomaaliyeed hadii ay sameeyaan ay kaga fogaa karaan waxyaabo aan fiicneyn oo hadda dhexdooda ku soo badanaya, kuwaas oo kala ah:

1- In dadka Soomaaliyeed ay ka fogaadaan qabyaaladda oo ay qalbiga ku heystaan diinta Islaamka iyo wax kasta oo wanaag ah oo xiriirka Alle wanaajinaya.

2- In xoogga la saaro cadaaladda umadda oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu maamulo cadaalad, taas oo Soomaaliya u fududey karta inay ka baxdo dhibaatada ku raagtay, si gaar ah masuuliyiinta dowladda ayuu Sheekh Xuseen ka codsaday inay cadaaladda ku dhaqmaan.

3- Amaanada umadda – Sheekh Xuseen Jabuuti ayaa madaxda dowladda iyo qof kasta oo masuul ah ugu baaqay inay amaanada umadda ilaaliyaan oo ka fogaado xatooyada iyo musuq maasuqa, maadaama ay xaaraam tahay in qofku lunsado xoolo uusan xaq u laheyn.

3-daan qodob ee Sheekh Xuseen Jabuuti uu maanta ka hadlay ayaa kamid ah aafooyinka heysta dadka Soomaaliyeed, maalmo ka hor Muqdisho waxaa lagu soo gabgabeeyey ciyaaraha kubada cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana muuqatay in taageerayaashu ay qabyaaladeeyeen ciyaarta, taas oo muujineysa dhibaatada ay qabyaaladu ku heyso Soomaalida.

Sidoo kale musuqa iyo xatooyada xoolaha dadweynaha kaalinta koowaad ayey Soomaaliya ka gashay dunida kadib qiimeyn caalami ah oo soo baxday maalin ka hor, waxayna xatooyadu ka mid aheyd qodobadii uu Sheekh Xuseen dadka Soomaaliyeed uga digay maanta.

Hoos ka daawo