Mareykanka oo weeraro aargoosi ah ka fuliyay laba dal

Washington (Caasimada Online) – Millatariga Mareykanka ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku beegsaday in ka badan 85 bartil maameed oo ku kala yaalla gudaha Suuriya iyo Ciraaq.

Bartilmaameedadan ayaa u badnaa saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran iyo malleeshiyaadka ay taageerto dowladda Iran.

Weeraradan uu qaaday Maraykanku ayuu uga aargudanayay duqeyn loo adeegsaday diyaaradaha dhulka laga hago oo Axaddii lasoo dhaafay lagu weeraray saldhig qarsoodi ah oo uu ku leeyahay dalka Urdun, gaar ahaan meel u dhaw xadka Suuriya.

Weerarkaasi ayaa lagu dilay 3 askari oo Mareykan ah halka lagu dhaawacay in ka badan 40 kale.

Duqaymahan cusul ee Maraykanku qaaday ayay la beegsadeen, talisyo ciidan, xarumo ay ku shaqeeyaan mukhaabaraadku, keydka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, xarumaha rasaasta, qeybaha gantaallada iyo xarumo kale oo ay adeegsanayeen malleeshiyaadka hubeysan ee taageerada ka hela dowladda Iran iyo ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo duqeynta ka hadlay ayaa bayaan uu soo saaray ku caddeeyay in ay jiri doonaan duqeymo kale oo cirka ah oo ay fulin doonaan.

Saraakiisha ciidamada Mareykanka ma aysan sheegin ilaa iyo hadda in weerarkaasi ay dad ku dileen iyo in kale.