Al-Shabaabkii ugu badnaa oo lagu laayay DAGAAL ka dhacay degaanka Shabeelow

Xarardheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Shabeelow ee koonfurta Mudug, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab oo dhinac ah.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay dagaalayamayaasha Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaankaasi, waxaana kadib iska hor imaad kala hortegay ciidamada huwanta ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal lagu hoobtay uu ka dhacay halkaasi, kaas oo khasaaraha ugu badan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha dagaalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay hayeen xogta weerarka, ayna iska difaaceen Al-Shabaabka soo weeraray deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay dileen 21 ka mid ahaa raggii weerarka soo qaaday, ayna gubeen 4 gaari oo nooca dagaalka ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma shaacin saraakiishu khasaare soo gaaray dhanka ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee dagaalka adag maanta la galay Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo weli kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada huwanta oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi.