Daawo: Somaliland oo ciidan u dirtay jabhadda ku sugan buurta Gacan-Libaax

Berbera (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Saaxil ee Somaliland ayaa sheegaya in xaalada cusub ay kasoo korortay gobolkaasi, ka dib jabhad looga dhawaaqay buurta Gacan-libaax ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka billowday halkaasi.

Somaliland ayaa dhankeeda ciidamo u dirtay buurta ay isku uruursaneyso jabhadaas oo u badan dhalinyaro tabasho ka muujisay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, gaar ahaan mucaaradka oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ka hadlay xiisadda cusub ee kasoo korortay Somaliland, waxayna sheegeen inay u istaagaan wax ka qabashada dhibaatooyinkaas, si xal waara looga gaaro.

Xildhibaan Qaasim Aadan Saleebaan oo kamid ah xubnahaasi ayaa ka warbixiyay xiisadda u dhexeysa jabhadda cusub iyo ciidanka Somaliland ee ka taagan buurta Gacan-Libaax.

“Buurtii Gacan-Libaax niman dhalinyaraa oo hubeysan ayaa galay, waxaan maqleynaa oo kale in ciidamo iyagana la dul geeyay, maantana waxaa loo baahan yahay in xaaladaha dalkeena ka taagan wax ka qabano, ka wada tashano” ayuu yiri Xildhibaan Qaasim Aadan.

Dhankiisa Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo hoggaamin doono xildhibaada ku baxaya arrintaasi ayaa shaaca ka qaaday in kacdoonkan uu dhalin karo xaalad amni oo horleh.

“Walaalayaal waxaad ka war qabtaan maalmahaan dambe jabhado ay shacabkeenii sameeyeen arrintaas oo kalifi karta amni darro weyn sidaas aawgeed waxaan shacabka ugu baaqeynaa inay arrintaan ka digtoonaadaan” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Khadar Daahir.

Wuxuu sii raaciyay “Inamada jabhadda sameystay ee bannaanka u baxay walaalayaal waxaan idinku wacyi-gelinayaa tabashada aad qabtaan aynu si nabad ah ku doono”.

Sidoo kale waxaa arrintan farageliyay xildhibaan  Barkhad Jaamac Baatuun oo sheegay inay si odeytinimo u geli doonaan xaajada, si loo xaliyo tabashada jabhadda cusub.

“Waxaan howshaan u galeynaa si niyad ah, waxaan howshaan u galeynaa si wanaag ah, waxaana nagu hoggaaminaya guddoomiyaha iyaga Maxamed Khadar” ayuu yir Barkhad.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkii hore ay jabhaddani ay afduub u geysatay illaa siddeed qof oo laba kamid ah ay ahaayeen saraakiil ciidan, walow markii dambe laga daba-tegay, lana soo daayay dadkaas, kadib dadaalo ballaaran oo la sameeyay.