Soomaaliya oo waa cusub u baryay kadib tallaabadii uu shalay qaaday baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka falceliyay tallaabadii ay Sabtidii shalay ku meelmariyeen xildhibaanada labada gole wax ka beddelka dastuurka.

Xasan Macallin ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka baarlamaanka uu yahay mid geesinimo leh, isla markaana waa cusub u furay Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Shaqo iyo howl hadda ayay bilaabatay, waa cusub ayaana Soomaaliya u baryay” ayuu yiri wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka dalka.

Isaga oo ka hadlayay arrimaha dastuurka waxa uu hoosta ka xariiqay inuu yahay mid ay Soomaali qoratay, isla markaana lagu diyaariyay hanti qaran oo Soomaaliyeed.

“Waa dastuur Soomaali qorotay, ayna ka dooday, Soomaalina ansixisay waxaana lagu diyaariyay aqoon, tabar iyo hanti Soomaaliyeed” ayuu yiri Xasan Macallin.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in afarta cutub ee la ansixiyay inay awood siinayaan shacabka Soomaaliyeed, si ay usoo doortaan hoggaankooda.

“Maanta waa maalin wayn oo taariikhi ah waa maalin dadweynaha Soomaaliyeed loo soo celshay awoodoodii oo ay ku dooran lahaayeen madaxdooda” ayuu markale yiri.

254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa si aqlabiyad leh shalay u meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka, mana jirin cid diiday, ama ka aamustay.

 

Si kastaba, waxaa weli go’aankan diidan xubnaha mucaaradka iyo Puntland oo iyadu ku dhawaaqday inay kalsoonidii kala laabatay dowladda federaalka Soomaaliya.