25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Daawo: Suuq Bacaad oo gubanaya oo la demi la’yahay iyo dad badan oo ku dhintay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xooggan oo khasaare baaxad leh geystay ayaa caawa ka kacay Suuq Bacaad, oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho, wuxuuna sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo aad u weyn.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ugu yaraan saddex qof ay ku geeriyoodeen dabka oo billowday galabta kaddib salaaddii Casar, kaas oo ilaa hadda aan weli lagu guuleysan in la damiyo.

Dadka dhintay ayaa isku dayayay inay badbaadiyaan hantidooda; laba kamid ah waxay si toos ah ugu gubteen gudaha dabka, halka qofka saddexaad uu u geeriyooday neef-qabatin. Waxaa sidoo kale jira dad badan oo dhaawacyo soo gaaray iyagoo ku jiray dadaalka ay ku badbaadinayeen hantidooda.

Suuq Bacaad ayaa caawa inta badan bas-beelay. Ibraahim Muuse, oo ah ganacsade hanti weyn ku waayay dabka, ayaa u sheegay warbaahinta: “Aniga saddex carwo ayaa iga wada gubatay, hooyadeyduna dukaammo ayaa kaga gubtay dabka. Caawa waxaan noqonay qoys ceyrtoobay. Murugo weyn ayaan dareemeynaa.”

Dabku wuxuu si degdeg ah ugu fiday qaybo badan oo ka mid ah suuqa, wuxuuna billowday abaare 4:40 galabnimo, iyadoo halkaas ay ku burbureen hanti fara badan oo ay lahaayeen ganacsatadii camiri jirtay Suuq Bacaad.

Ciidamada dab-damiska ee Dowladda Hoose, kooxaha gurmadka degdegga ah ee shirkadda Hormuud, iyo dhinacyo kale ayaa si wadajir ah uga shaqeynaya daminta dabka, inkastoo uu yahay mid xooggan oo si sahal ah aan loo xakameyn karin.

Sidoo kale, ciidamada booliska ayaa garab siinaya ganacsatada, iyagoo ka caawinaya in ay badbaadiyaan hantidooda inta aan dabku gaarin. Dadaallada gurmadka ayaa weli socda, waxaana la rajeynayaa in xaaladda si buuxda loo xakameeyo saacadaha soo socda.

Dabkan wuxuu mar kale muujiyey awoodda xaddidan ee Soomaaliya u leedahay wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, taasoo ah dhaxal ka dhashay tobanaan sano oo colaado ah iyo maalgelin la’aan. Muqdisho, oo ah magaalo ay ku nool yihiin in ka badan saddex milyan oo qof, waxay heysataa kaliya tiro kooban oo baabuurta dab-damiska ah iyo kooxo gurmad oo si liidata u qalabeysan.

Dabka waa dhibaato ku soo noqnoqota suuqyada Soomaaliya, kuwaasoo intooda badan shaqeeya iyaga oo aan laheyn xeerar rasmi ah ama heerar badbaado oo aasaasi ah. Meheradaha ciriiriga ah, badeecooyinka ololi kara oo meel isugu jira, iyo korontooyin qalafsan ayaa dhammaantood ah sababaha sii hurinaya qatarta joogtada ah.

Sanadkii 2021, dab ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ayaa baabi’iyay in ka badan 200 oo dukaan. Sidoo kale, sanadkii 2022, Suuqa Waaheen ee Hargeysa—oo ah xarunta dhaqaalaha ugu weyn ee Somaliland—ayaa dab ba’an ku burburiyay, iyadoo lagu qiyaasay khasaarihii ka dhashay inuu gaarayey $2 bilyan, taasoo ku dhowaad 60% ka ah wax-soo-saarka guud ee gobolka.

Inkastoo digniino badan la jeediyay, dadaallada lagu horumarinayo qorsheynta magaalooyinka iyo kaabeyaasha badbaadada weli ma gaarin horumar la taaban karo.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News