Daawo: Ugaas Xasan oo ka jawaabay hadalkii taliye Shub ee qorshaha Xamar ka socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalkii dhowaan ka soo yeeray xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano (Taliye Shub), kaas oo dhowaan shaaciyey inay jiraan siyaasiyiin mucaarad ah oo ku howlan duminta Koonfur Galbeed.

Ugaas Xasan oo u warramay Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday in Taliye Shub markiisii hore lagu yaqaanay hadallada kicinta ah iyo handadaada, balse wuxuu tilmaamay in haatan looga baahan yahay inuu garto mas’uuliyada saaran maadaama uu yahay xildhibaan Qaran.

“Horta Jenaraal Mahad inta aan ogahay, inkastuu ahaa nin ciidan ah markiisii hore, laakiin maanta xeyndaabkii ciidanka iyo handadaada waa kasoo gudbay waa xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ugaas Xasan.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray Ugaas Xasan “Waxaan ka sugeynaa Jenaraal Mahad hadalladii lagu yaqaanay kicinta iyo colaadaha inuu iska daayo oo garto mas’uuliyadda saaran inay ka weyn tahay midii waagu ciidanka ahaa in wax la dilo kaliya aheyd,”.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in aysan aheyn siyaasiyiinta la eedeeyey kuwa duminayo Koonfur Galbeed, balse ay yihiin kuwii soo dhisay, ayna ka shaqeynayaan horumarka iyo in la ilaaliyo dastuurka lagu heshiiyey.

“Koonfur Galbeed dadkii duminaayey ma nihin dadkii shalay soo dhisay, maantana jiritaankeeda ogol, berina inay wanaagsanaato ayaan rabnaa, haddii uu Alle idmo,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horey xildhibaan Mahad uu weerar afka ah ugu qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo Madaxweyne Lafta Gareen oo uu ku eedeeyey in ay wadaan qorshe lagu burburinayo Koonfur Galbeed, siduu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha haddii la doortay dad annaga naga mid ah Digil iyo Mirifle ka mid ah ayaa system waxay wadaan inay burburiyaan maamulka inta ka jira maamul la burburiyeyna waxa uu leeyahay waa kaseynaa dhibaatuu leeyahay,” ayuu yiri Mahad Cabdiraxmaan.

Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheyso xaalado siyaasadeed oo horleh, waxaana la isku hayaa muddada xil heynta Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen oo ay siyaasiyiinta kasoo horjeedo ku eedeynayaan inuu wado qorshe uu ku kororsanayo xilka.