Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Gaas, ayaa u gafay dhaarta Islaamka ee ah “Wallaahi, Billaahi, Tallaahi”, isaga oo qirtay inuu diiday in dhaartaas lagu dhaariyo dad xil ka qabanayey Gaalkacyo, kuna sheegay wax aan la isku dhaarin.
“Markii aan golaha deegaanka Gaalkacy soo dhisnay, ayaa waxaa la yiri hala dhaariyo, markaas baa garsoorihii wuxuu billaabay inuu ku dhaariyo (Ma kugu Wallaahi baa, ma kugu Billaahi baa) waxaan iri ma kugu wallaahi baa la iskuma dhaariyee ku dhaari dastuurka Puntland” ayuu yiri Gaas.
Waxaa la yaab leh in Gaas uu Wallaahi iyo Billaahi ku sheego inaan la isku dhaarin ee uu ka door biday in dastuur lagu dhaarto.
Halkan hoose ka daawo hadalka Gaas.

