Caasimada Online: Labo Haween Soomaaliyeed ah ayaa ku dhaawacmay Qaraxii shalay lagu weeraray Wasiirka arrimaha Gudaha dalka Masar Mohammed Ibrahim, kaasoo ka dhacay xaafadda Madiinati Nasri. waxaana dhaawaca labadan Haween mid ka mid ah ay ku weysay lugteeda halka haweeneyda kale dhaawac fudud uu kasoo gaaray.
Gabadhan Soomaaliyeed oo da´deeda lagu sheegay 16 sano jir ayaa lugteeda ku weysay qaraxii shalay oo lagu magacaabo Deeqa Xasan ayaa waxay ka tagtay dalka Ingiriiska halkaasi oo ay booqaneysay Waalidkeed.
Deeqa oo ku jirta isbitaal ku yaal magaalada Qaahir ayaa ugu warbixisay warbaahinta dalka Masar qaabka uu qaraxu u dhacay, iyadoo sheegtay ineysan wax faah faahin dheeri ah ka bixin karin balse ay aragtay dhalinyaro Masaari ah oo goobta ku sugnaa, 10 daqiiqo kadibna ay mashaqada dhacday.
Subaxnimadii shalay ayuu qaraxan uu ka badbaaday Wasiirka arrimaha gudaha Masar Mohammed Ibrahim xili uu kasoo baxay gurigiisa oo ku yaal xaafada Madiinati Nasri.