Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo isu diyaarinaya waa cusub

Maddaarka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa isku diyaarinaya marxalad kala-guur ah oo aan hakad ku jirin isaga oo maamul ahaan ku wareegi doona Favori LLC laga bilaabo 15-ka September, sida ay sheegayaan mas’uuliyiin.

Favori ayaa la rajaynayaa in ay casriyayso Maddaarka Caalamiga ah ee Adan Cadde gaarsiisana heerarka caalamiga ah, sida dhismaha waddo-diyaaradeed oo cusub iyo in la bilaabo adeeg soconaya 24-ka saac maalintii, sidaa waxa sheegay Cali Maxamed Ibraahim, maamulaha maddaarka. Xilligan, maddaarku kaliya waxa uu shaqeeya maalinnimada.

Todobaadyadii dhawaa ee la soo dhaafay, shirkaddu waxa ay keentay qalabka lagama-maarmaanka u ah casriyaynta, sida wiishashka rarka iyo dajinta shixnadaha diyaaradaha, iyo dhismaha taangi lagu kaydiyo shidaalka diyaaradaha iyo waliba saldhig laga shubto shidaalka, ayuu sheegay Ibraahim.

“Heshiiska ay Favori ku maamulayso maddaarka waxa uu soconayaa 20 sano, xilligaas oo ay shirkaddu ballaarin doonto dibna u dhisi doonto maddaarka Muqdisho,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in qalab qiimihiisu gaarayo $3 milyan uu mar horaba soo gaaray maddaarka.

Favori, oo ah shirkad ay leedahay dawladda Turkiga, ayaa la xushay January si a u maamulo maddaarka caasimadda kadib markii ay xukuumadda federaalka Soomaaliya jabisay heshiis 10 sano ahaa oo ay 2010-kii la saxiixatay shirkadda fadhigeedu yahay Dubai ee SKA Air and Logistics, iyada oo sheegtay in SKA ayan ka soo dhalaalin hankii laga filayay.

SKA waxa ay ku guul-darraysatay in ay ka soo dhalaasho heshiiskii oo uu ka mid ahaa in maddaarka lagu casriyeeyo qalab cusub si maddaadka loo dardar-galiyo la iskuna waafajiyo adeegayda, ayuu sheegay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdishakuur Mire Aadan.

“Taasi macnaheeda maaha in SKA ayan innaba waxba qaban intii ay maamulaysay maddaarka Muqdisho,” ayuu sheegay, isaga oo shirkadda uga mahadceliay dadaalladeedii.

Iyada oo isku diyaarinaysa la wareegidda maamulka, ayay Favori waxa ay biloowday diiwaan-galinta shaqaalaha maxallia ah ee maddaarka ee xilligan ku qoran diiwaanka mushaarrada ee SKA si loo soo wareejiyo shaqooyinkooda.

Maxamed Ibraahim, oo ah shaqeele ka tirsan SKA oo ka howlgala qaybta boorsooyinka ee maddaarka, ayaa sheegay in Favori ay haddiiba diiwaan-galisay ugu yaraan 56 ah shaqaalihii hore ee SKA, iyada oo lambarkaa intaa ka badan doono marka ay shirkadda cusubi la wareegto shaqada.

Waxa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay in uu la sii shaqayn doono Favori sannadaha soo socda.

Suguddi ammaanka maddaarka

Mas’uuliyiinta Favori ayaa sidoo kale kulamo la qaatay madaxda SKA iyo kuwa xukuumadda federaalka si loo hubiyo in waajibaadka ammaanka maddaarka loola kala wareego si aan hakad lahayn, sida uu wariyay Radio Muqdisho.

Favori ayaa la filayaa in ay arrimaha ammaanka maddaarka kala shaqeeyso askarta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo bilayska Soomaaliya, sida uu sheegay Cali Salaad, oo ah 45-jir askari bilays ah oo saldhiggiisu yahay maddaarka.

“SKA waxa ay lahayd qayb ammaan oo nala shaqayn jirtay iyada oo Favori-na yeelan doonto qayb ammaan oo nala shaqaysa,” ayuu Salaad sheegay.

“Ammaanka ayaa asaasiyan waxa mas’uul ka ah bilayska iyo ciidanka ammaanka,” ayuu yiri Xuseen Cabdinuur Bataar oo ah taliye ka tirsan bilayska.

Bilaysku waxa uu sii wadi doonaa in uu la shaqeeyo dhammaan jihooyinka kale ee ka howlgasha maddaarka si loo hubiyo in uunan jirin wax hakad ammaan ah, ayuu yiri.

Dhinaca kale, Aadan Keeroow Cabdi, oo ah 36-jir ka shaqeeya xafiiska Hay’adda Qaxootiga Maraykanka ee Muqdisho, ayaa sheegay in uu la dhacsan yahay rajada ah in adeegga maddaarku shaqeeyo 24 saac.

Waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dib u soo kabashada Soomaaliya taas oo meesha ka saari doonta qaar ka mida caqabadaha ay la kulmaan dadka u soo dhoofa Soomaaliya, ayuu sheegay, isaga oo intaa ku daray in adeegyadii xaddiidnaa ee maddaarku ay si khaas ah caqabad ugu ahaayeen rakaab badan oo u safra howlahooda shaqo.

Isha: Sabahi Online