Daawo video: Qorshe uu Turkiga guryo uga dhisayo Xamar oo dhaqan-galaya

Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saadiq C/llaahi Cabdi  ayaa sheegay in dhismayaasha guryihii dawladda Turkigu balan qaaday inay Muqdisho ka hirgalinayso qorshahoodu marayo meel fiican.

Wasiirka oo ku sugan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga Isagoo kala hadlay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa xagga dhib u dhiska Dalka.

Saadiq Cabdulahi Cabdi wasiirka hawlaha guud, dib u dhiska ayaa sheegay in dawladda Turkiga iyo hay’adaha shacabka Turkigu ay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka gacan siiyaan dib u
kabashada dalka.

Inta uu ku sugan yahay Dalka Turkiga waxaa uu Wasiirku sidoo kale la kulmi doonaan madax kala duwan oo ka tirsan hay’adaha Soomaaliya taageera ee Turkiga laga leeyahay iyo mas’uuliyiinta Dowladda,kuwaasi oo kala hadlayo sidii Wasiiraddiisa looga gacan siin lahaa gudashada Waajibaadka ka saaran dib u dhiska Soomaaliya.

Dowladda Turkiga oo taageerta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u balan qaaday in ay Muqdisho ka dhisi doonto ilaa 10,000kun oo guryo ah kuwaasi oo loogu talagalay shaqaalaha Dowladda ee Muqdisho ka howlgala.

Dhinaca kale,  Warmurtiyeedkii shalay ka soo baxay Kullankii madaxda maamul goboleedyada ee Magaaladda kismaayo ayaa  laga hadlay  Kaalmada Caalaku siiyo dowladda Federaalka oo la sheegay 5% wax ka yar ayay dowlgoboleedyadu helaan,  waxaana tusaale loo soo qaatay 10,000 ee guri oo dowladda Turkigu ku deeqday aysan dowlad goboleedyadu ka helin hal guri iyadoo baahida ugu badan ay taallo gobollada, waa sida ay ku sheegeen War-murtiyeedka.