Muxuu isku casilay madaxii shirkadda Samsung Kwon Oh-Hyun?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kwon Oh-Hyun oo ah Agaasimaha fulinta shirkadda tiknoolajiyada ee laga leeyahay dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilka.

Mr Kwon Oh-Hyun oo is casilay ayaa sheegay in la dultaagan yahay xiligii shirkadda ay maamuli lahaayen dhalinyarada Kuuriyada Koonfureed.

Waa dhibaatoyinkii ugu dambeeyay ee soo gaaray iyadoo isla sanadkan maxkamad ku taala magaalada Seoul ee caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa shan sano oo xarig ah ku xukuntay Lee Jae-yong oo leh dhaxalka shirkadda Samsung sababo la xiriira dambiyo musuqmaasuq.

Lee Jae-yong, ayaa la xaqiijiyay in Maxkamaddu ay ku heshey in laaluush uu siiyey dowladda, isla markaasina dal badal in loo eexdo isaga.

Waxa ay dacwaddan tahay mid salka ku haysa fadeexado musuq ah oo horseeday in madaxweynihii hore ee dalkaa xilka laga qaado.

Si kastaba, Mr Kwon waxaa la filayay in u kaalin weyn ka qaato horumarka dhanka ganacsiga shariikadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com