Xaaf oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Madaxda ugu sareysa dalka (Muxuu yiri)

Cadaado (Caasimada Online)-Hoagaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug.

Xaaf oo saxaafada kula hadlay Garoonka Cadaado ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad adag, isla markaana loo baahan yahay in xal loo helo.

Waxa uu Hogaamiye Xaaf sheegay in dhibaatada ka jirta dalka ay u sabab tahay in dad aan talin jirin ay taliyeen, dadkii talin jirayna ay tageen, sida uu haddalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in mas’uuliyiinta heysa talada laga doonaayo inay wanaajiyaan taladooda si buu yiri uu u wanaagsamo dalka.

Xaaf waxa uu intaa ku daray in Dowladda dhexe ay ku filnaan doonto qodobo dhowr ah oo uu sheegay inay usoo qoreen, kuwaa oo uu sheegay inay muhiim u tahay dalka.

”Dalka waxa uu hagaagi doonaa goortii ay talo wanaagsamaan kuwa aan talin jirin ee taliyay, waxaan rajeynayaa inay ka shaqeeyan xal u helida dhibta ka jirta dalka”

Hogaamiyayaasha dalka ayaa waxaa maalintii shalay magaalada Kismaayo kusoo afmeeray shir Saddex cisho socday oo ay uga doodayeen masiirka dalka.

Madaxda maamul goboleedyada, waxaana ay kasoo saareey war-murtiyeed ka kooban 16 qodob.

Haddalka Xaaf ayaa ku foorara Madaxda ugu sareysa dalka oo iyagu khilaaf kala dhexeeyo maamul Goboleedyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com