Daawo: War cusub oo kasoo kordhay geerida Gaarane

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada marxuum Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsanaa Fannaaniinta Gobolka Banaadir oo gelinkii dambe ee Axaddii ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Balcad ayaa war cusub kasoo saaray geerida wiilkooda.

Maydka marxuumka oo la geeyay isbitaalka Madiina ayaan maanta ka aasin, ayada oo dib loo dhigay, kadib dalab ka yimid ehelladiisa.

Wararka ayaa sheegaya in ehelladu ay wada tashi kadib ay isku raaceen in beri la aaso marxuumka, sababtana ay tahay inay doonayaan inay ogaadaan sida uu shilka u dhacay.

Gaarane ayaa ahaa nin dhalinyaro ah, waxaana la dhintay wiil kale oo la socday, kaas oo ahaa madaxa caafimaadka ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Maxamed Jaamac (Qaarey) oo kamid ah Fannaaniinta Muqdisho ayaa isbitaalka kula hadlay Wariyeyaasha, wuxuuna sheegay in markii horaba uu xaalad adag ku noolaa marxuumka.

“Abshir Gaarane hadda ayuu geeriyooday, laakiin isaga waxa uu ahaa nin waa hore dhintay oo iska socday ,haddalladiisa waxaa kamid ahaa cakuye aduunyoy maxaad i ciishay” ayuu yiri Fannaan Maxamed Jaamac (Qaarey) oo ka hadlay geerida ku timid Abshir Gaarane.

Wiilkaan dhalinyarada ahaa waxaa aduunka ku dulmiyey kooxdii Farmaajo oo muddo sanad ah jir-dil ugu geysanayey xabsiga Jilicow ee magaaada Muqdisho oo horay loogu xiray.

Waa Fanaankii ay muuqaalka qasabka ah ka duubeen isagoo dhahaya “Waxaan ahay AS, waxaan ku biiray 2013-kii, dhanka maaliyadda ayaan u qaabilsanaa,” muuqaalkaas oo dadka Soomaaliyeed aad uga nixiyey Gaarane wuxuu sheegay in lagu qasbay.

Abshir ayaa sanadihii lasoo dhaafay wuxuu dalbanayey cadaalad, dowladii Farmaajo ay xabsi iyo jir-dil isugu dartay, mana helin magdhow ama cid uga garaabta wixii gaaray.

Allaha u naxariistee Abshir ayaa maalmihii u dambeeyay ka howlgalayay mid kamid ah isbitaallada Muqdisho, wuxuuna sidoo kale kamid ahaa dadka isticmaala baraha bulshada.