Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi oo maanta shir jaraa’id wada qabteen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay qorshaha uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ku doonayo inuu ku helo badda.
Al-Sisi oo u muuqda mid u hanjabaya Abiy ayaa caddeeyay in Masar aysan marnaba ogolaan doonin in Itoobiya ay saameyn ku yeelato biyaha Badda Cas. Sisi ayaa mar kale ku celiyay mowqifka Qaahira ee heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland, kaasi oo u gacan gelinayay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Masar ay diyaar u tahay inay ballaariso doorkeeda siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, gaar ahaan meelaha ay Itoobiya horay u sheegan jirtay “inay tahay aag ay saameyn ku leedahay”.
Labada madaxweyne ayaa diiradda saaray sidii loo xaqiijin lahaa amniga Badda Cas iyo Geeska Afrika, iyadoo Al-Sisi uu adkeeyay sida Masar ay u garab taagan tahay dadaalka Soomaaliya ee dib u dhiska dowladnimada, la-dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta midnimada dhuleed.
“Labada dowladood waxay hadda wadaan dadaal lagu dhisayo iskaashi istiraatiiji ah, kaasoo daboolaya dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo difaaca,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi.
Si kastaba, is-afgaradka Somaliland ee uu maanta soo hadal qaaday Al-Sisi ayaa hore muran badan u dhaliyay, xiisad hor lehna galiyay gobolka, inkastoo markii dambe ay heshiis ka gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya, si dib loogu soo celiyo cilaaqaadka labada dal oo markaasi go’ay.
Dib usoo celinta xiisadda heshiiskii Itoobiya ayaa u muuqata in Madaxweyne Al-Sisi uu ku xoqanayo kaarka Soomaaliya, oo haatan uu rabo inay qeyb ka noqoto isbaheysi ka dhan ah Itoobiya oo ay isku hayaan biyo-xireenka Wabiga Nile ee Addis Ababa ay dhameystirtay buuxintiisa.

