Daawo: War cusub oo ka soo kordhay sarkaalkii lagu dilay degmada Boondheere

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta qabuuro ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho lagu aasayaa maydka sarkaalkii lagu dilay dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Boondheere, kaas oo lagu magacaabi jiray Sayid-Cali Cabdi Cadde.

Sarkaalkan oo ahaa dhalinyaro ayaa ku dhintay weerar ay ciidamo kale ku qaadeen gurigiisa oo ku yaalla agagaarka isgoyska Boondheere, waxaana kasoo gaaray dhaawac daran oo uu maalin kadib ugu geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Ehellada marxuumka iyo dowladda ayaa isla gartay in 6 maalin kadib la aaso marxuumka, ayada oo weli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay dilkiisa.

Dadweyne kala duwan oo ku jiray ehellada marxuumka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ka qayb-galaya aaska loo sameynayo marxuumka.

Sayid-Cali Cabdi Cadde ayaa ahaa sarkaal firfircoon, wuxuuna ahaa taliyaha guutada Gumac ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana la dilay isaga oo markii kasoo laabtay furinta hore ee dagaallada ka socda gobollada dhexe ee dalka.

Marxuumka ayaa sidoo kale kamid ahaa ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea, wuxuuna ka qayb-qaatay dagaallo badan oo dhul ballaaran looga xoreeyay Al-Shabaab.

Maalmo kahor ayay ahayd markii dibad-bax ka dhan ah dilka sarkaakan ay shacab careysan ka dhigeen degmada Karaan, kaas oo cadaalad loogu dalbayay marxuumka.

“Sayid-Cali isaga oo gurigiisa joogo cadowga uu furimaha kula dagaalamaayay asoon dilin ayaa nin shaatiga uu wato la wato dilay” ayay tiri gabar kamid ahayd dibad-baxayaasha.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa marar badan kusoo noq-noqday magaalada Muqdisho, waxaana horay sidaan oo kale loo dilay saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada dowladda.

\