Xogta dilkii MALAAQ QORI, ninkii dhibay ee go’doonka geliyey reer Bay iyo Bakool

Xudur (Caasimada Online) – Hawlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka ay ka fuliyeen tuulada Garasweyne oo qiyaastii 55 KM waqooyi uga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa lagu dilay Malaaq Cabdullaahi Maxamed Yare (Malaaq Qori) oo ahaa nin halis badan oo Xudur laga necbaa.

Malaaq Qori, wuxuu ka tirsanaa horjoogayaasha Khawaarijta Al-Shabaab, wuxuu ahaa nin odey ah oo muddo dhawr iyo toban sano ah ka tirsanaa kooxda, marar badan ayuu ka soo muuqday fagaarayaasha, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii go’doonka geliyey magaalada Xudur oo in ka badan 10 sano aan dhulka loo marin.

Bartilmaameedka howlgalka ka dhacay Bay wuxuu ahaa in la dilo Malaaq Qori, waana lagu guuleystay, sida ay warbaahinta u sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bakool iyo saraakiisha ciidankii fuliyey howlgalkaas.

Ciidamada dilay Horjooge Malaaq Qori waxay ugu tageen gurigiisa oo ku yaallay tuulada Garasweyne ee gobolka Bakool, sida ay ogaatay Caasimada Online cid kale wax kuma noqon howlgalkaas, waxaana goobtii isaga laabtay ciidamadii dilay Malaaq Qori, iyagoo aan la kulmin wax iska caabin ah.

10 sano ka hor intii ay Khawaarijtu xukumeysay degmada Xudur ayaa Malaaq Cabdullaahi Maxamed oo Shabaab ula baxeen Malaaq Qori loo caleema-saaray xil-dhaqameedka Malaaqa beeshiisa, xiligaas waxaa lagu xushay in afkaarta guracan ee kooxda uu la dhacsanaa, waxayna u arkeen Horjooge la jaan-qaadi kara.

Inta uusan noqon malaaqa waxa uu ahaa nin reer miyi ah oo beeraha ka shaqeysta, sida ay Caasimada Online u sheegeen dadkii yaqaanay Malaaq Qori oo hadda ku baxay gacanta ciidanka xoogga Soomaaliya ee dagaalka uga jira aagga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Markii la joogo gudaha kooxda wuxuu ninkaasi ahaa mid ay ka go’do talada reerkiisa, isagoo barna qasba, barna la dagaala, sida reer Xudur oo go’doon adag uu geliyey, isagoo adeegsanaya awooda Al-Shabaab, waxayna dadka reer Xudur aad ugu farxeen dilka Malaaqoodii go’doonka geliyey.

Ninkaan ayaa muddo dheer kooxda u qaabilsanaa isku xirka qabiilka iyo kooxda, askareynta caruurta iyo u qoridda ciidamo Khawaarijta uga qayb gala dagaallada ay kula jiraan ciidamada dawladda.

Dadka xogtiisa la socday waxay sheegeen in Malaaq Qori uu kaalin weyn ku lahaa go’doominta degmooyinka deegaanada Koonfur Galbeed ee ka baxay gacanta kooxda, si dadka loogu ciqaabo la jooga ciidamada qaranka, iyagoo u diida sahayda iyo guud ahaan safarada dadka, gaadiidka iyo xoolaha, tallaabadaasi waxay nolosha ku adkeysay dadka ku nool gobollada Bay iyo Bakool.

Sababta loogu baxshay Maqaal Qori: Maadaama uu isku ogaa dakanooyin badan, wuxuu ahaa nin aan dhigin qorigiisa AK47 ka ah, xitaa wuxuu la geli jiray shirarka oo ma dhigi jirin, wuxuuna aaminsanaa inuu isku difaaci karo, balse ugu dambeyntii xalay ayaa la dilay isagoo gurigiisa jiifa oo Qorigiisa barkan.