Daawo: Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo qaaday tallaabo cajiib ah oo ka gedisan kuwii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta hal tan oo kalluun ah ku wareejisay wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa.

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi ayaa tallaabadan u qaaday si loo sii dhiiri-geliyo ciidankeenna, islamarkaana ka gedisan go’aankii Golaha Wasiiradda ee ahaa in wasaaradaha ay laba neef oo geel ah ugu deeqdo ciidamada, si loogu dhiiri-geliyo howsha adag ee u hayaan bulshada.

“Waa fulineyna go’aankii kasoo baxay Golaha Wasiiradda in la keeno laba geel laakiin anaga maanta waa bedelnay ka wasaarad ahaan, waxaana ku bedelnay Kalluun ama Mallaay, oo maanta ugu deeqnay ciidamada dalka oo dadaal aad u wanaagsan u haya dalka,” ayey tiri Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi.

Waxa kale oo ay intaas sii raacisay “Bey’adiina waa u fiican tahay in la bedelo, tan kalena ay tahay aniga oo kasoo jeeda gobolka Banaadir ama Muqdisho, anaga Geela ma dhaqano waxaa dhaqana kalluunka, marka sidaas awgeed waxaa go’aansanay ka wasaarad ahaan in aan ciidamada barno kalluunka muhiimada uu leeyahay.”

Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa uga mahad-celiyey deeqda wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay soo gaarsiisay taliska qaybta guud Booliska gobolka Banaadir.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa waxay ugu tala-gashay taageeradaan in ay ku dhiiri-geliso bulshada Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan kheyraadka dalka, si gaar ahna muhiimad loo siiyo kalluunka oo dalkeennu hodan ku yahay.

Si kastaba, Wasaaradaha dowladda federaalka ayaa toddobaadyadii dambe waxay taliska Booliska Soomaaliyeed ku wareejinayeen neefaf Geel ah oo lagu dhiiri-gelinayo ciidanka, iyada oo laga duulayo go’aankii xukuumadda ee ahaa inay wasaaraduhu taageeraan ciidamada qaranka ee har iyo habeen u taagan difaaca dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka