Hanti-dhowrka oo shaaciyay arrin ay shaqaalaha dowladda ku lumin karaan shaqadooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa uga digay shaqaalaha dowladda inay shaqada ku lumin karaan haddii ay saacadiisa shaqadu ka yaraadan 48 saac.

Hanti-dhawrka Qaranka oo soo saaray ogeysiis ku saabsan isla-xisaabtanka dhanka ilaalinta shaqada iyo waqtiga ee shaqaalaha rayidka dowladda, ayaa waxa uu ku sheegay in shaqaalaha dowladda ay waajib ku tahay dhameystirka 48 saac oo shaqo ah toddobaadkii.

“Haddii ay saacadaha shaqadu ka yaraadaan 48 saac, shaqaaluhu waxa uu ku luminayaa shaqadiisa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in sharciga shaqaalaha rayidku wuxuu difaacayaa oo keliya shaqaalaha sida joogtada ah u yimaada goobta shaqada iyo kuwa ku maqan fasaxyada rasmiga ah ee sharcigaas ku cad.

“Shaqaalaha Rayidka ee dowladda waa shaqaale leh xuquuq iyo waajib gaar ah sida ku cad Sharciga Rayidka Dowladda (Sharci Lr.11 ee 05/12/2006) iyo siyaasadaha, hageyaasha iyo xeerarka anshaxa ee guud ahaan dowladdu leedahay ee dhaqan-galka ah, qofka shaqaalaha ah waxaa saaran waajibaad ay tahay in uu guto, waxaana jira arrimo ka reeban oo uusan sameyn karin.”

Xafiiska Hanti-dhawrka Qaranka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in shaqaale walba oo ka tirsan hay’adaha dowladda oo ka maqan goobta shaqada uu luminayo shaqaalenimada haddii uusan/aysan oggolaansho ka heysan hay’adahaas si waafaqsan sharciga.

Digniintan uu soo saaray Hanti-dhawrka Qaranka ayaa imaneysa xilli ay xukuumadda federaalka ay dardar-gelinayso isla xisaabtanka shaqaalaha, si meesha looga saaro dadka cudur-daar la’aanta aan xaadirka ku ahayn shaqada.