Daawo Muktaar Roobow: Somaliland iyo Puntland tabartooda ayaa reebtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo khudbad ka jeediyay xiritaanka tartanka sanadlaha ah ee Qur’aanka Kariimka ayaa ka warbixiyay qabsoomida barnaamijkaasi wayn.

Roobow ayaa sheegay in tartankan ay ka qayb-galeen inta badan maamul goboleedyada dalka, marka laga reebo Somaliland iyo Puntand.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in labadaas maamul ay reebtay tabartooda, ayna u suurageli waysay inay kasoo qayb-galaan tartanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne inta warbixinta la sheegay waayay intaas oo maamul goboleed ayaa joogo hal su’aal waa soo boodi kartaa waan hubaa oo ah aaway Somaliland iyo Puntland? waa jirtaa sow maahin su’aashaas” ayuu yiri Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

Roobow oo sii hadlaya ayaa ku jawaabay “Waan raadinay labadooda oo dadaal badan ayaan ku bixinay, laakiin tabartooda ayaa reebtay”.

Sidoo kale Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa faah-faahin ka bixiyay marxaladihii uu soo maray tartanka oo uu xalay madaxweynaha ku abaal-mariyay illaa 7 arday.

“Ardaydu way dadaaleen sanadkan waan kordhinay kaalmaha, markii hore waxay ahaayeen 5, haddase waxaan gaarsiinay illaa 7 arday” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Abaal-marinada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Tartanka Quraanka Kariimka ah ayaa waxaa ku guuleystay:-

1-Majiidu Raxmaan Maxamed Cabdullaahi, $20,000.
2-Yuusuf Xasan Cusmaan, $15,000.
3-Xuseen Xasan Nuur, $10,000.
4-Sadiiq Maxamed Cali, $7000.
5-Faadumo Jamaal Xaashi, $5000.
6-Maxamed Haaruun Maxamed, $3000.
7-Ikraan Cabdikariim Xasan, $2000.

Sanad kasto marka laga gaaro bisha Ramadaan ayay dowladda dhexe qabataa tartanka Qur’aanka Kariimka, waxaana soo qaban qaabiso Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.