Faah-faahinta dagaal culus oo ciidanka DF iyo Shabaab maanta ku dhex-maray…

Xarardheere (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kooxda Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka degmada Xarardheere.

Dagaalkan oo sidoo kale uu qeyb ka ahaa maamulka degmada Xarardheere ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Bacadka Faarax Aadan oo 7KM u jira degmada Xarardheere.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii uu ciidanka weerar ku qaaday dagaal-yahaano Al-Shabaab ah oo aaggaas ku sugnaa, kuwaasi oo qorsheynayay inay weerar kusoo qaadan degmada Xarardheere.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf oo qeyb ka ahaa dagaalka ayaa warbaahinta u sheegay inay dhowr jiho ka weerareen Shabaab-kii ku sugnaa halkaasi, islamarkaana ay ka dileen maleeshiyaad badan oo ay ku jiraan ajaanib.

“Waxaa xaqiijinayaa in aan haatan ku suganahay (ciidanka joogaan) goobihii lagu dagalaamay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xarardheere oo sheegay in ay gacanta ku hayaan goobihii laga soo abaabulayay weerarka degmada, kadib dagaal qaatay saacado.

Dagaalkan ayaa sidoo kale waxaa ku baxay askar ka tirsan ciidanka dowladda, “Waxaa jira askar inooga dhintay howl-galka,” ayuu yiri guddoomiyaha isagoo intaas kusii daray in dhinacyada ay gacanta iskula tageen markii ay ka dhamaatay rasaastii ay ku dagaalamayeen.

Kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe nafis ka heshay gulufkii cuslaa ee ka dhanka ahaa ayaa qaadeysay weeraro gaadmo ah oo ay ku bartilmaameedsaneyso ciidanka dagaalka kula jira, ayada oo maanta la fashiliyay isku day ay ku rabtay maleeshiyadu inay ku weerarto Xarardheere.

Si kastaba, kooxda ayaa dhawaan dib ula wareegtay deegaano uu dhiig badan ku daatay oo horey looga xoreeyay kadib markii ay iskaga baxeen ciidanka dowladda, waxaana maalmihii lasoo dhaafay socday dadaalo dhiig cusub loogu shubay gulufka.