Xog: Xasan Sheekh oo dabac ka muujiyay qodobada qaar ee dastuurka iyo qodobo cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan habeen hore Villa Somalia ku dhex-maray madaxweyne Xasan Sheekh, guddoonka labada aqal ee baarlamaanka iyo guddoonka guddiyada qaabilsan dhameystirka dastuurka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxa uu madaxweynaha dabacsanaan uga muujiyay qodobada qaar ee sida weyn looga horyimid ee dhameystirka dastuurka, xilli ay meel xasaasi ah mareyso doodda wax ka beddelka dastuurka.

Mid kamid ah qodobada sida weyn la iskugu hayay ee madaxweynaha dabacsanaanta ka muujiyay waa qodobka haykalka dowladnimada ee ah in la qato madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Qodobkan oo dadweynaha Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn u diidan yihiin ayaa la sheegay in guddiga dastuurka talo nuuc kale ah ka keeneen, taasi oo ah in kursiga ra’iisul wasaaraha sidiisa loo dhaafo, balse laga dhigo ra’iisul wasaare uu madaxweynaha eryi karo markii uu doono, baarlamaankuna eryi karaan.

Sida uu hadda qaanuunka Soomaaliya u dhisan yahay madaxweynaha waa magacaabi karaa ra’iisul wasaaraha, balse xilka kama qaadi karo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in uusan habeen hore ku adkeysan fikirkiisi hore ee ahaa madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, wuxuuna guddiyada ku yiri kasoo shaqeeya qodobkaan labaad ee lagu dhimayo awoodaha ra’iisul wasaaraha, iyada oo lagu darayo inuu madaxweynaha xilligii uu doono eryi karo ra’iisul wasaaraha.

Marka la fiiriyo marxaladda Soomaaliya uma fiicna in lasii dhimo awoodaha ra’iisul wasaaraha, waxaana haddii middaan la qaato halkaas kusii dhimaneysa isku dheeli-tirkii, waxaana ra’iisul wasaaraha isku beddelaya agaasime guud, taas oo lidi ku noqon doonta hanaanka awood qeybsiga beelaha iyo madax-banaanida shaqo ee xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Qodobka labaad ee uu dabac ka muujiyay waa tirada xisbiyada, isaga oo soo dhaweeyay in tirada xisbiyada laga dhigo saddex, halka uu markii hore ku dheganaa laba xisbi oo keliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu diiday in uu gor-gortan ka galo inuu dalka aado doorasho qof iyo cod ah, oo ka dhacda dhamaan labada heer dowladeed ee Soomaaliya, wuxuuna ku adkeystay in qodobkaas sidiisa loo dhaafo oo uu ahaado doorasho qof iyo cod ah.

Guddiyada dastuurka ayuu madaxweynaha faray inay dadajiyaan howsha dastuurka, ayna kusoo daraan qodobadan, waxaana kulamo deg-deg ah oo arrimahan looga doodayo magaalada Muqdisho ku leh xubnaha labada guddi ee gacanta ku haya shaqada dastuurka.

Dabacsanaanta uu madaxweyne Xasan Sheekh ka muujiyay qaar kamid ah qodobada dastuurka ayaa imaaneysa, iyada oo ay sii xoogeysanayaan cadaadiska gudaha iyo midka caalamiga ah ee uu la kulmayo madaxweynaha.

Maamul goboleedka Puntland oo iyadna qoraal soo saartay ayaa sii daayay digniintii ugu dambeysay. Waxay Puntland sheegtay in aanay qeyb ka noqon doonin qorshaha dastuur ee madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay ku tilmaameen mid xambaarsan “talo maroorsi”.

Iyaga oo dhinaca kale shaqada socota ku sheegay mid lagu sameynayo dastuur cusub, taas oo u baahan heshiis bulshdo, tiiyo baarlamaanka xasuusiyeen in uusan sharciyad u haysan sameynta dastuur cusub.