Daawo: Wiil da’yar oo kasoo goostay Al-Shabaab oo qiso cajiib ah ka sheekeeyey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaal-yahan aad u da’yar oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa u soo gacan galay dowladda kadib markii uu isku soo dhiibay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

Dagaal-yahankaan oo magaciisa lagu sheegay Calas Axmed Xirsi ayaa xiriir lasoo sameeyay Saraakiisha ciidanka Booliska ee deegaanka Ceeldheere, markii uu u adkeysan waayey dhibaatada ay Al-Shabaab u geysanayaan umadda Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale sheekeeyey dhibaato uu ku qabay Al-Shabaab oo ah inaan loo ogoleyn inuu waalidkiisa xiriir la sameeyo ee uu go’doon ahaa.

Careys ayaa ka hadlay qiso uu goobjoog u ahaa oo ku saabsan nin ka mida askarta Dowladda ka oo u gacan galay Al-Shabaab ayna jirdil xoog leh ka sameeyeen, sidaasina uu ku qirtay denbigii ay ku heysteen.

“Markii uu denbiga qirtay waxay ku dhaheen: Shaarkaada ayaa lagu soo dhaqayaa, indha ayey ka xireen.. kadib rasaas ayey ku fureen, waana ku dhiman waayey, kadibna mid Alshabaab ka mida ayaa la dul tegay qori oo madaxa ka toogtay.. taas ayaa iigu yaab badneyd, markey i arkeen inaan falkaas ka xumaaday ayey igu yiraahdeen: Gaal murtad ah ayaad u calool xumaaneysaa,” ayuu yiri Calas Axmed Xirsi (Careys) oo saxafiyiinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb.

Calas oo sidoo kale loogu yeeri jiray Careys ayaa sheegay in gebi ahaanba uu ka tanaasulay fikirkii xagjirka ahaa ee Al-Shabaab, isagoona Saraakiisha ka dalbaday in la cafiyo. Waxa uu sheegay in haatan uu diyaar u yahay la dagaalanka Al-Shabaab, oo uu sheegay inay dhibaato badan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Calas oo hadda dib uga soo laabtay fikirkii xagjirka ahaa sida uu sheegay ayaa waxa uu kasoo dagaalamay deegaano ka tirsan maamulka Galmudug oo ku sugnaa intii uu ka tirsanaa Shabaab.

Si kastaba, Dagaal-yahankaan ayaa waxa uu ku dhawaad 7-maalmood ku jiraa gacanta dowladda, wuxuuna ku doodaya in Shabaab uu uga soo goostay dhiiga macno la’aanta ay u daadinayaan.

Hoos ka daawo Careys.