Daawo: Wuxuu ahaa askari, haddana bil walba 70 dollar ka qaadanayey Al-Shabaab

Baydhaba (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee qeybta 60-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhaba ayaa shalay la horkeenay todoba rag ah loo heysto in ay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa bilowday dhageysiga dacwadaha loo heysto eedeysanayaashaan oo ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed ay siyaabo kala duwan gacanta ugu soo dhigeen.

Sida ay xeer ilaalintu ka hor sheegtay maxkamadda, raga qaar waxaa la soo qabtay iyagoo ku howlan fulinta weerarro, halka qaar ka tirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed-na lagu qabtay iyagoo si hoose ula shaqeynaya kooxda Al-Shabaab.

Sida uu sheegay sarkaal u hadlay dacwad oogayaasha seddax oo ka mid ah ragaan ayaa ka soo dagaalamay Galmudug iyo qeybo ka mid ah Jubbooyinka, halka labo kale lagu qabtay howlgal ay ciidamada dowladdu ku qabsadeen degaanka Goofgaduud-shabeelow.

“Guddoomiye Maslax Cabdullahi wuxuu ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed, kadib Al-Shabaa waxay ku tashkiiliyeen inay Al-Shabaab la shaqeeyo, iyagoo siin jiray 70 dollar,” ayuu yiri sarkaalkii u hadlay dacwad oogeyaasha.

Ugu dambeyntii Maxkamadda ay mudeysay oo sheegtay in go’aan ay ka soo gaari doonto xukunka raggaan loo heysto ka mid noqoshada kooxda Al-Shabaab.

Jimcihii ayaa Fagaare ku yaalla magaalada Baydhaba waxaa lagu toogtay Ibraahim Meeris Ibraahim oo fuliyey qaraxii lagu dilay wasiirkii cadaaladda maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur, halka walaalkiis Maxamed Meeris oo maqane ah isna dil lagu xukumay.

Hoos ka daawo