Daawo: Xaafado ka tirsan magaalada MUQDISHO oo laga barakacay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa qaybo ka mid ah ka taagan xaalad adag oo la xiriirta dhanka ammaanka, taas oo soo wajahday dadka deegaanka, isla-markaana sababtay barakacka socda qaar ka mid ah xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir.

Degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa ka mid ah degmooyinka laga barakacay, kadib markii ay kusoo bateen weerarada ay geysanayaan kooxo ciyaal weero ah oo baangado iyo mindiyo ku hubeysan, kuwaas oo dadka shacabka ah dhibaatooyin u geysta.

Dadka deegaanka ayaa waxaa habeenadii lasoo dhaafay ay la kulmayeen dhacdooyin argagax leh oo ay geysanayaan kooxahaasi oo raxan raxan u socda, iskana soo horjeeda, , iyaga oo si gaar ah u beegsanaya dadka socotada ah iyo xittaa kuwa ku sugan guryahooda.

Aabe ka mid ah dadka ku dhaqan Dharkenley oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sabab la xiriirta ciyaal weero dartood looga barakacay xaafadda, isla-markaana caruurtiisa uu geeyey degmada Waabari ee isla gobolka Banaadir, si aysan dhibaato usoo gaarin.

“Xaafadaan Dharkenley ayey ka mid tahay, waaxda labaad laanta saddexaad ayaa la yiraahdaa Aniga reerkeyga waa qaxeen Waabari ayey jiraan anne xaafaddii iyo alaabtii inaan waardiyeesto ayaan ugu tala-galay,” ayuu yiri Aabe ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kooxahaasi ay ku jiraan rag waa weyn oo Xaasleyaal ah, isla-markaana ay qayb ka yihiin dhalinyarada dhibaatada ka wada halkaasi.

“Waa rag waa weyn ciyaal yar yar ma’ahan rag naaga leh ayaa ku jira rag waa weyn waayey,” ayuu sii raaciyey.

Arrintan kuma koobna degmada Dharkenley waxaana ka mid ah degmooyinka Wadajir, Kaaraan iyo kuwa kale oo caasimada ku yaalla oo ay ku sugan yihiin kooxo kale oo ciyaar weero ah, isla-markaana halis ku ah shacabka iyo nabad-geliyada guud ee deegaanka.

Si kastaba, laamaha ammaanka ayaa u muuqday inay kuu guul darreysteen wax ka qabashada dhacdooyinkan oo soo laa laabtay bilooyinkii lasoo dhaafay.