Daawo: Xaaji Muuse Suudi iyo Xildhibaan Waliid oo ku sigtay inay isku gacan qaadaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waliid iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa maanta hadallo kulul isku dhaafsaday doodii dastuurka ee ka socotay kulanka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu horeyn xildhibaan Waliid oo ka tirsan guddiga baarlamaanka ee dib u eegista dastuurka ayaa soo istaagay miiska hadal-jeedinta, isagoo dhiibtay aragtidiisa.

Xildhibaan Waliid ayaa soo jeediyey in laga fekero sida doorasho looga qaban karo deegaanada ay Shabaab joogaan, in dastuurka laga dhaafo qodobka sheegaya in madaxweynaha dowlad goboleedka hoggaamiye loogu yeeri doono iyo qodobo kale.

Waxaa ku xigsaday Senator Muuse Suudi oo dhibsaday aragtidii uu dhiibtay Xildhibaan Waliid oo ka horeeyey, wuxuuna sheegay in shaqada uu u xilsaaran yahay uusan aqoon xildhibaanku, maadaama uu ka tirsan yahay guddiga dib u eegista dastuurka ee golaha shacabka.

“Xildhibaankaas wuxuu ka tirsan yahay guddiga dastuurka, wuxuu ku jiraa ragga u xilsaanay in fekradaha aan halkaan ka jeedineyno ay inta nuxurka leh ka qaataan, marka in anaga uu war nala soo hor istaago kuma haboona, ee shaqadiisa ha aqoonsado,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi.

Intaas kadib waxaa soo istaagay xildhibaan Waliid oo is difaacaya, isagoo Senator Muuse Suudi ku canaantay isaga lidiga ku ahaa ee kulanka uu ka jeediyey, “isagoo yiri Senator waa qaldan tahay, aragtideyda inaan dhiibto xaq ayaan u leeyahay, adiga iima tilmaameysid waajibaadkeyga” iyo erayo kale oo si xanaaq leh uu u yiri, kadibna waxaa aamusiyey guddoomiye Aadan Madoobe.

Intaas kadib buuq iyo sawaxan ayaa is qabsaday kulankii baarlamaanka, xildhibaano badan ayaa teegaaray aragtisa Muuse Suudi, maadaama xildhibaan ka mid ah guddiga soo diyaariyey dastuurka uu aragti aad uga fog wixii lasoo diyaariyey uu la yimid masraxa golaha.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyey doodda cutubka 4-aad ee dastuurka, kulamo aan loo kala kicin ayaa u socda labada gole ee BFS, waxayna ka doodayaan dhameystirka dastuurka iyo qodobada la doonayo in wax laga bedelo.

Hoos ka daawo