Daawo: Xaaji Muuse Suudi oo khudbad lama filaan ah u jeediyay xildhibaannada

Jowhar (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah musharaxiinta Aqalka Sare ee maanta khudbada ka hor jeediyay mudaneyaasha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, ayaa si ka duwan musharaxiinta kale uga dalbaday codkooda.

Senator Muuse Suudi ayaa ka muquurtay in ballan-qaad ka hor sameeyo baarlamaanka hortiisa, halka musharaxiinta ka horeysay ay sameeyen, wuxuuna ku gaabsaday “in uusan ogeyn waxa uu qaban doono maadama uu qaa’ib ka yahay”, arrintaasi oo lama filaan ku noqotay dad badan.

“Warkeyga ma badnaan doono, waxa aan soo qabtay ma aqaano ma ii miisaana, waxa aan qaban doonana ma ogi, qaa’ib aan ka ahay, waxaa idinka codsanaa Senator Aqalka Sare ahay, haddaan u qalmana igu celsha, haddaa i dhibsateen iga reeba,” ayuu yiri.

“Waxaa u mahadcelinaa madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen iyo madaxweyne ku-xigeenka, madaxda kale kuligood waa u mahad-celinaa.”

Kursiga uu ku fadhiyo Muuse Suudi ee uu markale u tartamayo ayaa waxaa kula loomaya saddex musharax oo kale, kuwaasi oo kala ah; Cabdullahi Sheekh Xasan, Axmed Daaci iyo Xasan Cadaay Cali, waxaana ka tanaasulay Xaaji Muxidiin Xasan Afrax oo ku soo baxay liiskii uu soo saaray madaxweyne Guudlaawe.

Sida la sheegayo Villa Somalia ayaa si weyn u daneynaysa in kursigaas lagu ciriiriyo Muuse Suudi, loolan adagna lala galo, maadama ay ku guul-dareysatay in Guudlaawe uu ka reebo liiska.

Daawo Muuse Suudi