Sawirro: Rooble oo qaaday tallaabo uu ku xajisanayo maamulka maaliyadda dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay hay’adaha maaliyada dalka, sida Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud, xilli uu sii adkeynayo maamulka maaliyadda dalka.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kulankaan ayaa qeyb ka ah waajibaadkiisa korjoogreynta, la xisaabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda.

“Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, kulankaan ayaa daba socda amar uu ra’iisul wasaaraha dul dhigay wasaaradda maaliyadda, kaasi oo dhigayey inaysan bixin karin lacag uusan isaga soo saxiixin, islamarkaana aan ogolaansho looga heysan.

Warqadda amarka lagu bixiyey oo loo diray wasaaradda Maaliyadda 9-kii bishan ayaa waxaa sidoo kale la ogeysiiyey Xisaabiyaha guud, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo hanti dhowraha guud ee qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale si gaar ah u xayiray in ogolaansho la’aantiisa la isticmaalo lacagta Hay’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ah ee loo yaqaan SDRs.

Mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeegga dowladda, ayaa marka mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu waajibaadkooda shaqo ka gutaan, ayaa dhigay in oggolaansho ka helaan ra’iisul wasaaraha inta aan la bixin wax lacag ah.

Rooble ayaa tallaabooyinkan ku xaqiijinaya in wax is-daba-marin iyo musuq-maasuq lagu sameyn hanaanka kharash-bixinta dowladda, xili uu dalka marayo marxaladda kala-guurka, islamarkaana baahi weyn loo qabo in taxaddar dheeraad ah loo yeesho isticmaalka qoondada lacagta hay’adda IMF.