Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa haatan ka taagan gudaha xarunta Villa Hargeysa ee Baarlamaanka Soomaaliya, halkaas oo la filayo in maanta kulan ay ku yeeshaan xildhibaannada Soomaaliya.
Xaaladda ayaa timid, kadib saaka xildhibaanno ka tirsan kuwa mucaaradka oo kasoo horjeedo wax ka beddelka Dastuurka ay si lama filaan ah ugu soo jarmaadeen Xarunta Golaha Shacabka, waxaana sidaas ku bilowday buuq xooggan.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo saraakiil ciidan oo gudaha u gashay xarunta, kuwaas oo ay is hayaan xildhibaannada cereysan.
Dhanka kale warbaahinta madaxa banaan ayaa loo diiday inay gudaha u gasho hoolka baarlamaanka iyadoo ciidamoboliis ah la keenay Golaha shacabka.
Waxaa kale oo jirta cabsi xooggan oo laga qabo in mar kale fowdo ay ka dhacdo xarunta Baarlamaanka oo 28-kii bishaan ay isku fara saareen qaar kamid ah xildhibaannada oo isku qabtay wax ka beddelka Dastuurka Soomaaliya ee la ansixiyay 2012-kio.
Doodda ayaa timid, kadib markii dhawaan guddiyada Dastuurka ay guddoomiye Seekh Aadan Madoobe u gudbiyeen cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee wax ka beddalka Dastuurka, si looga doodo kadibna loo ansixiyo.
Shalay guddoomiyaha baarlamaanka oo cabsi ka qaba fowdo mar kale dhacda ayaa 12 kulan oo xiriir ah ka joojiyay illaa 18 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha, kuwaas oo qayb ka ahaa qalalaasihii ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee qabsoomay 28-kii Janaayo, 2026-ka, halka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka SareCali Shacbaan Ibraahim uu isna soo saaray go’aan kaas lamid ah, isaga oo 12 kulan ka fadhiisay Senanatarrada Leyla Nuue Maax iyoCabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo ku lug yeeshay qalalaasihii dhowaan ka dhacay Baarlamaanka.
Sidoo kale, waxaa kale oo digniin kama dambeys ah loo diray illaa 11 kale oo lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen qalalaasihii ka dhacay fadhigaas, iyada oo go’aankan lagu adkeeyay in la dhowro nidaamka, anshaxa, iyo xeer-hoosaadka Golaha, isla markaana la ilaaliyo sharafta iyo haybadda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Arrimahan ayaa kusoo aadayo iyada oo dhawaan la filayo in ay Muqdisho wada-hadallo uga bilowdaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland kuwaas ka arrinsan doono xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan hanaanka Doorashada iyo wax ka beddelka Dastuurka KMG ka ah.

