Daawo: Xaguu marayaa dagaalka culus ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe?

Jowhar (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed G/Sare Cali Xaashi Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalka u dhexeeya Militeriga Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ka socda deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidanka xoogga dalka ayaa haatan guluf dagaal oo xoog leh ka wada gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana ciidanka hor-kacaya Taliyaha guud ee Militeriga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage.

Afhayeenka ayaa sheegay in saacadihii u dambeeyey ay kooxda ka dileen ku dhawaad 20 dagaalame, isla markaana ay kala wareegeen deegaano dhowr ah, sidoo kale waxa uu sheegay in dad shacab ah oo ay Al-Shabaab dhibaateeyeen ay gargaar u fidiyeen.

“Howlgalladii maalmahaan ka socday Sh/Dhexe deegano badan ayaan ku xoreynay, shalay iyo maanta dagaalku waxa uu ka socday deegaanada Araxley, Cali-fooldheere iyo Qurac-madoobe, intaas waa dhul keyn ah oo aad ay ugu dhoomaaleysan jirtay kooxdu, waxaan ku dilnay 17 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, welina dagaalku waa socdaa,” ayuu yiri Cali Xaashi Afhayeenka ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale Afhayeenku waxa uu sheegay in hadafkooda uu yahay in guud ahaan gobolka Shabeellada Dhexe laga cirib-tiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xusay in ciidan boolis ah oo ka socda dowlad goboleedka HirShabeelle ay qeyb ka yihiin howlgalka,.

“Go’aanka ay qaadatay wasaaradda gaashaandhigga, si gaar ah Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, waa in nabadiidka Al-Shabaab laga xoreeyo gobolkaan iyo guud ahaa wadanka oo dhan,” ayuu yiri Afhayeenka Militeriga Soomaaliya G/Sare Cali Xaashi Cabdi.

Deegaano badan oo muhiim ah oo dhaca gobolka Shabeellada Dhexe ayaa todobaadyadii u dambeeyey ka baxay gacanta Al-Shabaab, waxaana guud ahaan gobolkaas ka bilaawday duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo furimaha hore ee dagaalka lagu arkay Odawaa Yuusuf Raage oo ah sarkaalka ugu sareeya ciidanka xoogga dalka.

Hoos ka Daawo Afhayeenka