Daawo: Xamza oo shaaciyey inuu soo afjari doono dhaqan ka dhex jira dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo maanta Muqdisho ka furay shirweynaha qaran ee aragti-wadaagga, xakameynta, faafinta wararka been abuurka ah ayaa balan-qaaday in xukuumadiisu aysan lacag ku bixi doonin fidinta dacaayadaha ka soo hor jeeda siyaasadda dowladda.

“Waxaan balan-qaadayaa in wax dhaqaale ah aana ku bixi doonin faafinta dacaayado ka dhan ah siyaasiyiin naga aragti duwan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku goodiyey in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono dadka faafiya dacaayadaha ka dhanka ah siyaasiyiinta, si gaar ah dhalinyarada qaar oo noqday aalad la isku adeegsado.

“Siyaasiyiinta ayaa qeyb weyn ka qaaday mushkiladda, qofka siyaasiga ah wuxuu gaaray inuu lacag ku bixiyo i amaan ama hebel ii cay, waxay abuureen dhaqan xun,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre.

Wuxuu sheegay in dhalinyarada qaar ay hadda ku dhaqmaan qorshe ah “Hadii aadan lacag i siin waan ku caayi oo inta meel soo fariistaan ku akhrinayaa waxaa tahay iyo waxaadan aheynba.”

“Dadka qaar waxaa lagu qasbaa inay dhahaan adeer ha I caayin lacagtaa rabtaan ku siinayaa, dhaqankaas waxaa dhalinyarada baray siyaasiyiinta, sababtoo ah siyaasi la dagaalamaya siyaasi kale ayaa adeegsada dhalinyarada,” ayuu yiri Xamsa.

Wuxuu intaas ku sii daray in arrintaasi ay noqotay dhaqankii ugu xumaa ee dowladda Soomaaliya laga bartay, balse hadda loo baahan yahay in deg deg loo soo afjaro, si dhaqanka iyo diinta aysan uga fasahaadin umadda Soomaaliyeed.

“Anigoo masuul ah hadii aan maalin kasta dhaho habelow ii soo cay hebel, dalkeenu side u ekaanayaa oo bulshada aan abuurayo sidey noqoneysaa? Waxaan kula talinayaa masuuliyiinta ay dhaqankaas xun ka tanaasulaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre.

Hoos ka daawo