Daawo: Xasan oo booqday dhaawacyada WEERARKII WISIL, soona saaray baaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Wisil ee gobolla Mudug, kuwaasi oo lagu dabiibayo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta gacanta ku haya dhaawacyada iyo maamulka isbitaalka, isagoona ku bogaadiyey sida ay ula tacaalayaan dhaawacyada.

Madaxweynihii hore ayaa waxa uu ku baaqay in loo midoobo la dagaallanka Al-Shabaab, wuxuuna xusay inay lagama maarman tahay in laga ciribtiro Soomaaliya argagixisada maalinkasta laynaysa umaddeena.

“Waxaan shacabka, mas’uuliyiinta heer gobol iyo federaal-ba ugu baaqayaa in loo midoobo ciribtirka argagixisada. Lama aqbali karo in cadowgu laayo shacabkeen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu ka tacsi u direy dadkii ku geeriyooday weerarka Wisil, isagoona dhaawacyada ku jira Digfeer u rajeeyay soo kabasho dhakhso ah.

“Eebbe ha u naxariisto muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkii Wisil, bogsosho deg-deg ahna ha siiyo dhaawacyada.”