Daawo: Xasan Sheekh oo si adag ugu jawaabay Sheekh Shariif iyo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ayaa si adag uga hadlay xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka.

Madaxweynaha oo weli ku dhegan qorshihiisa dastuurka ayaa marka hore sheegay in la joogo xilligii loo guntan lahaa howsha dastuurka, maadaama uu sanado badan qabyo ahaa, ayna lagama maarman tahay in la dhaqaajiyo oo hore loo wado.

Madaxweynaha oo u jawaabay madaxdii hore oo meel adag iska taagay wax ka beddelka dastuurka ayaa ku dhaliilay sida ay u wajaheen arrintaan, isaga oo sheegay in iyaga xaq loogu leeyahay inay waajibkooda ka gutaan dastuurka, maadaama ay yihiin xildhibaanno ka tirsan BF.

“Masuuliyiinta maanta hadlaya qaarkood waa xildhibaano waajib waxaa loogu leeyahay Alle hortiis inta ay yimaadan baarlamaanka ay ra’yigooda meesha ka dhiibtan, baarlamaan wuxuu baarlamaan ku yahay nidaamkiisa in uu raaco,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Baarlamaanka waa tagaya waxa rabo oo ila quman ayaa sheegaya waana in la qaata dhaqan baarlamaan, mid dimuqraadiyadeed iyo mid fiican toona maaha. Baarlamaanka Federaalka ayay kasoo dhex baxdaa shuruucda umadda lagu hayo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in nidaamka cusub ee lagu beddelayo haykalka dowladnimada iyo hanaanka arrimaha ay ku timid diidmo ka dhalatay hanaanka hadda, taasi oo uu sheegay inay ka timid dowlad-goboleedyada.

“Sidii hore hadaa rabin oo dowlad-goboleedkii uusan rabin, oo heshiiskan waxaa keenay hoggaanka dowlad-goboleedka oo waxaa lagu saleeyay wixii shalay laga bartay doorashadii dhacday. Mid sidaa isku dooran jirnay ka fiican ayaa isku dooran doona laakiin weli in lasii hormuriyo usii baahnan doonta ayaa isku dooran doona, waana dowladnimada.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dheeraaday marxaladihii uu soo maray dastuurka KMG iyo sida dowladihii kala dambeeyay ay waxba uga qaban waayeen, isagoo ku tilmaamay mashruuc ay ku baxday malaayiin dollar.

“Dastuurka ayay ku cadahay cidda go’aanka wax ka beddelka iyo hore u socodsiintiisa iska leh. Sanad aan dastuurka laga shaqeynayn ma jirin, oo dastuurkan mashruuc ayuu ahaan jiray oo malaayiin ayaa ku bixi jirtay oo dibadda ayaa lagaga soo shaqey jiray,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoos ka daawo muuqaalka