Kalsoonida ay Xasan iyo kooxdiisa ku qabto in la meel-mariyo qorshaha dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Villa Somalia waxay shaqo xooggan ka wadaa gudaha Xildhibaannada labada aqal ee baarlaamka, si loo ansixiyo afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka, kuwaasi oo wax badan oo cusub lagu siyaadiyay.

72 Mudane oo ka tirsan baarlamaanka ayaa liiskooda la wadaagay warbaahinta iyo saaxiibada caalamiga ah, laakiin sidaas oo ay tahay kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxay aaminsan yihiin in afartaan cutub la ansixin doono inta aanay bishaan dhamaanin.

Waxaa jira qaar u ololeynaya 23 bishaan oo Sabtida ku aadan in afartaan cutub la marin doono baarlamaanka, si gacan taag ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa labadii cisho ee lasoo dhaafay wuxuu dadaal ugu jiray inuu kala fur-furo Xildhibaannada diidan qorshihiisa dastuurka.

Madaxtooyadda ayaa dib u cusbooneysiisay ballan-qaadyadii Xildhibaannada ee la xiriiray isku shaandheynta Golaha Wasiirrada, waxaana kale oo qaar Xildhibaannada kamid ah la sheegay in laga xaliyay arrimo gaar ah oo farsamo maaliyadeed noqon kara.

Laakiin sidaas oo ay tahay kalsooni kale ayay qabaan kooxda madaxweynaha, waana guddoonka baarlamaanka. Villa Somalia waxay haystaan guddoonka labada aqal, kuwaasi oo dano shaqsi ah ugu xiran Madaxtooyada.

Marar badan waxaa la dhaliilay hab hoggaaminta guddoonka labada aqal, si gaar ah Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), laakiin taasi ma dabcin Sheekh Aadan waqtina ma uusan gelin cabashada Xildhibaannada dhaliilsan hab hoggaamintiisa, waxaana weli toos ugu xiran yahay Villa Somalia.

Iyada oo la xasuusto habkii aan sharciga aheyn ee loo mariyay ansixinta habraaca loo marayo dastuurka, ayaa haddana kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxay ku faaneysa inay guddoonka haysato, sidaas awgeedna ay marwalba adkaan doonto cidda haysata guddoonka.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxa uu sheegay in mar aan dheereyn ay shaleyn doonaan guddoonka iyo xildhibaannada ballamada dartood ku meel-marinaya qodobada aan laga heshiinin ee dastuurka.

Ma ahan ugub in guddoon baarlamaan uu rabaayad siyaasadeed u noqdo Madaxtooyada. Guddoomiye baarlamaan oo aanay Madaxtooyada yeelan karin waxaa ugu dambeeyay Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, mid kamid ah sababihii loola diriray waxay aheyd inuu diiday in uu raaco qorshooyinka caqli-galka aheyn ee Madaxtooyada.

Madaxda maamulada qaar, hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo xildhibaannada diidan habka uu madaxweyne Xasan Sheekh u wado howsha dastuurka ayaa dhinaca kale rumeysan in aan wax badan la baajin karin waqtigan, marka la eego sida uu guddoonka baarlamaanka ugu milmay danaha Madaxtooyada.

Sabtida berri ah ayaa la eegaya xalka, laakiin kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxay leeyihiin ciddii guddoonka haysata ayaa adag.