Daawo: Xasan Sheekh oo u caqli celiyay dhalinyarada TikTok

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si gaar ah ula hadlayay dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa war culus kasoo saaray waxa ka socda aaladaha baraha bulshada, gaar ahaan TikTok.

Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo shalay ku beegnayd ayaa u caqli celiyay dhalinyarada, wuxuuna ugu baaqay in baraha bulshada aysan ku faafin wax aan habooneen.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah dhalinyarada uga codsaday in Social Media-yaha aysan u adeegsan caayda dadka kale, isaga oo kula taliyay in sidoo kale ay joojiyaan Prankiyada.

“Dhalinyaro caajiska iska daaya, aflagaadada, caaytinta iyo Prankiga Tiktoka dhexdiisa ah iska daaya, haddaa hadasho ood ka faa’iideysato Social Media-yaha wax fiican sheeg” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhaqamada xun iyo sameynta waxyaalaha aan wanaagsaneyn ay dhaawacayaan dhaqanka wanaagsan iyo diinteenna Islaamka.

“Haka soo muuqan baraha bulshada adiga oo caaytamaya adoo dhaqan xumo ka hadlaya, adiga oo waxaan diinta iyo dadnimada ku habooneen ka hadlaya ogow mar haddii aad soo gasho Social Media-yaha waa ku jiree, xitaa haddii aad ka tirto Page-kaaga” ayuu ku daray.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay madaxweynuhu “Ilmahaaga irsaaqad ha uga jarin waddo qaloocan, ilaahey ayaa israaqaya oo kafaala qaaday”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo muddooyinkii u dambeeyay ay soo kordhayeen dadka sida khaldan u isticmaala baraha bulshada, waxaana qaarkood ay si xun uga hadlaan arrimaha qabyaaladda, kuwa kalena waxay ku faafiyaan dhaqan xumo, kuwaas oo qaarkood ay soo xirtay dowladda federaalka, kadib tallaabo ay qaadeen ciidanka Booliska.