Daawo: Xasan Sheekh oo war kasoo saaray ‘abaabulka ka dhanka ah’ Lafta-gareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay cabsida laga qabo in abaabul ka dhan ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya laga sameeyo Muqdisho, ama ay dowladdiisa ku lug yeelato.

Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeediyey munaasabad loogu sameeyey Baydhaba ayaa soo hadal qaaday ‘abaabulka’ la sheegay in looga soo horjeedo Lafta Gareen ee ka socda Muqdisho, wuxuuna si cad u beeniyey arrintaasi, isaga oo tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay xageeda ka jirto nabad iyo saaxibtinimo.

“Waxaan rabaa dadka reer Koonfur Galbeed, dowladda federaalka xageeda nabadaa idin ka jirto, saaxibtinimaa idin ka jirto, mas’uuliyad iyo dadkii idin ka aad xilka u dhiibateen si toosan iyo si dadban oo aad idinka wakiilateen ayaa idinka jiro,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh intaasi kusii daray “Shar, colaad iyo abaabul qaab daran idin kama jiraan xaggaas.”

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqashadiisii ugu horreysay ku bilaabay Baydhabo ayaa ugu baaqay reer Koonfur Galbeed inay adkeeyaan nabadda dhexdooda ah.

“Waxaan idin ka codsaneynaa, idin ku adkeyneynaa dhexdiinana inaad sidaas oo kale aad ka dhigtaan, haddii Alle yiraah,” ayuu markale yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyey aad loo hadal hayey ‘Mooshin’ la sheegay in siyaasiyiin mucaarad ku ah Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ay ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho, taas oo dhalisay xiisad siyaasadeed oo horleh.

Si kastaba, Lafta Gareen ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ee sida u dhow u taageersanaa Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.