Daawo: Xijaar oo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan xaaladii u liidatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale iyo wasiirka amniga XFS Doodishe oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay geerida Jeneraal Farxaan Qaroole oo ay Al-Shabaab dileen.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in Farxaan ay isugu wardambeysay waaberigii hore ee saakay markii ay howlgalka bilaabeen, isagoo ku tilmaamay halyey muhiim u ahaa booliska Soomaaliya.

“Saakay salaadii subax ayaa iigu war-dambeysay, isagoo howlgal ku jira, runtii kuwo kalena waa dhima doonaan, dadka Soomaaliyeed xaalada ay maanta ku jiraan mid ka liidata oo ay gaari lahaayeen ma jirto,” ayuu yiri Jeneraal Xijaar.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay go’aan ku gaartay in la dhinto ayadoo halgan lagu jiro.

” Waa loo mideysan yahay in cadowga la iska dul qaado, saraakiisha ciidamada qalabka sida waxay u diyaarsan yihiin in wadada uu maray Farxaan ay maraan, dadkii tirada badnaa ee qaaliga ahaa ayuu ka mid noqday Farxaan, laakiin wuxuu go’aanku yahay in koxdaas aysan dib dambe umada ugu soo dhex jirin,” ayuu yiri Taliyaha booliska Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo isna ka tacsiyeeyey geerida Farxaan Qaroole ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo afjari doonto kooxda Al-shabaab, isagoo ku celiyey hadalkii Ra’iisul Waasaraha ee ahaa in ganacsadihii maal-geliya Al-shabaab ay dowladdu talaabo adag ka qaadi doonto.

Dhankiisa wasiirka amniga Soomaaliya Axmed Doodishe ayaa sheegay inuu Farxaan dhintay isagoo xoreynaya dad Soomaaliyeed oo nolosha lagu dhibay, isla markaana ay dowladdu ku joogto wadadaas halganka ah.

Hoos ka daawo