Daawo: Xildhibaan Cusmaan Xaadoole: Al-Shabaab waa in la isku dhiibaa haddii aan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo kamid ah xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ayaa si adag uga hadlay weerarkii tooska ahaa ee kooxda Al-Shabaab ku qaaday Hotel Xayaat oo qaatay in ka badan 24-saac.

Xildhibaan Xaadoole ayaa ugu horeyntii dhaliilay sida ay loola tacaalay weerarkaas, isaga oo sheegay in loo baahan yahay dagaal dhab ah oo lala galo argagixisada, islamarkaana laga hortago dhib kasta oo ay maleegayaan.

“Weerarada noocaas oo kale waxa loo baahan yahay inta ay meesha imaan laga hortago, oo la ogaado lana fashiliyo, marka looma baahna 24-saac in hal Nin kaligiis guri lagu xabadeeyo oo dhulka la dhigo gurigii iyo ganacsiyadii, waxaas lama fiirsan karo waa in laga hortago,” ayuu yiri.

“Waa la dagaaleyna oo aan la iska celineyn yaan dadka lagu leyn. Waa in lala diro ama waa in la isku dhiibo wax ka dhaxeeya majiraan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda aysan weli taagneyn xili lagu dhaliilo amni darada, maadama aysan si dhab ah looga howl-galin qorshaha ay ku wajaheyso argagixisada, taasi oo ku taliyay in la dadajiyo.

“Dadka ka hor Askar iyo Saraakiil isku dhigeysa cadowga ayaa loo baahan yahay. Dowladdana kama hordhaceyno oo waa cusub tahay laakiin amniga wax ha ka qabato oo nimankaas si dhab ah ha u wajahdo.”

Ugu dambeyntiina wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay fashilinta qorshayaasha cadowgu ku dhibaateynayo shacabka, isaga oo xusay in hay’addaha amniga uu Golaha Shacabka la xisaabtami doono.