Daawo: Maxay saxaafadda kusoo aragtay gudaha Hotel Xayaat oo 48 kadib la galay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo 48-saacadood ah kadib, saxaafadda ayaa hadda loo ogolaaday inay gudaha u gasho Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kadib weerar toos ah oo halkaas ka socday mudo labadii habeen ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale wasiirro ka tirsan dowladda, duqa Muqdisho iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray Hotelka, kuwaas oo warbaahinta la hadlay, soona bandhigay xogo kala duwan, warbaahinta ayaa soo bandhigtay burbur baaxad leh oo hotelka soo gaaray.

Ugu horeyn wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Axmed Cali Doodishe ayaa sheegay in khasaarihii ka dhashay weerarka ay qiimeyn ku sameynayaan, si dowladdu u garab istaagto dhibanayaasha.

Wasiirka Cadaalada XFS  Xasan Macalin oo balan qaaday in dadkii ay Al-Shabaab ku dileen weerarkii Hotel Xayaat ay cadaalad heli doonaan, aduun iyo aakhiraba, “Xukuumadu waxay ku howlantahay ka hortaga dhagarta, argagixisada,” ayuu yiri.

Duqa Muqdisho, Cumar Filish oo masuuliyiintii goobta gaartay ka mid ah ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaq inay iska dhiciyaan argagixisada Al-Shabaab, “Waxaan lama aqbali karo, maalin kasta murugo ayaan ku jirnaa, argagixisadu waxay dadkeena inta dilaan ku sii tilmaamaan inay mudnaayeen in la laayo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ugu yaraan 25 qof oo milkiilihii hotel Xayaat uu ku jiro ayaa lagu dilay weerarkaas, waxaana lagu dhaawacay oo isbitaallada yaalla 120 kale, sida ay cadeeyeen hey’adaha caafimaadka, waxaana galabta la qarxiyey dhamaan haraadiga qaraxyadii ay wateen kooxda soo weerartay Hotelka.

Hoos ka daawo