Daawo: Xildhibaanada kasoo horjeeda Xasan oo Xamar ku shiray + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho, waxaa shalay ku shiray xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, kuwaasi oo si aad ah u dhaleeceeyey falal ay dhowaan ku kaceen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xildhibaanada kullanka ka qeyb galay ayaa u badnaa kuwa kasoo horjeeda madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ka mid ahaa:- Xasan Abshir Faarax, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Prof. Ibbi, Prof, Gaandi iyo kuwa kale.

Waxay cambaareeyeen xarriga iyo weerarada lagula kacay xildhibaanno ka tirsan baarlamanka iyo siyaasiyiin uu ka mid ah Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Halkan ka daawo warbixinta kullanka

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com