Cabdi Weli iyo Jawaari oo isku afgartay qodobo ka dhana madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Xubno ka tirsan Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa inoo xaqiijinaaya in kullan dhex maray Ra’isulwasaaraha dalka C/weli sheekh Axmed iyo Guddoomiya Baarlamaanka dalka Maxamed Osman Jawaari ay isla meel-dhigeen qodobo lid ku ah Siyaasada Xasan Sheekh.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in xiligaani uusan wanaagsaneyn xiriirka Xassan sheekh, Jawaari iyo C/weli, kadib markii ay ku kala tageen Siyaasado lagu doonaayo in lagu abuuro Mooshino qar ka tuur ah oo lagu sameeyo Ra’isulwasaaraha dalka.

Kullanka adag oo ay wada qaateen Jawaari iyo C/weli oo xiligaani u muuqda inay yihiin isku dhinac ayaa waxa ay kulankooda ku go’aamiyeen ilaa Seddex qodob oo kala ah:-

1-In laga hor istaago Siyaasadaha uu ku doonaayo inuu ku kiciyo Baarlamaanka, si ay u ridaayn ra’iisul wasaaraha.

2-In lasoo afjaro damaca Xasan Sheekh ee ku aadan kala fogeynta ama kala saarka Xildhibaanada Dam-Jadiid, Wasiirada Dam-Jadiid iyo Xubnaha kale ee ku jira labada gole, balse aan raacsaneyn Urur ama xarako.

3-In la kordhiyo Su’aalo weydiinta iyo la xisaabtanka Baarlamaanka dhanka Xasan, isla markaana Bulshada loo bidhaamiyo halka dhaqaalaha dalka uu ku baxo, xili dalka uu ku jiro xaalad adag.

Seddexda Qodob ayaa noqonaaya kuwo lagu cadaadinaayo Madaxweyne Xassan Sheekh oo haminaaya in Mooshino uu ka sameeyo Ra’isulwasaaraha Dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com