Kenyatta oo ogolaaday in maxkamadda ICC uu hor-tago, xilkana wareejinaya

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa khudbad ka jeediyay fadhi gaar ah oo uu yeeshay baarlamaanku Isniintii (6-dii Ocotober) taasoo khuseeysay safarkiisa uu ku tagayo The Hague, halkaa oo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada codsatay in uu soo xaadiro fadhiga ugu horreeya ee dhagaysiga dacwaddiisa lagu maxkamadeeynayo dambiyada ka dhanka ah aadaminimada.

ICC-da ayaa bishii hore diiday codsi uu Kenyatta ku codsaday in uu dhagaysiga dacwadda uga qayb-galo khadka fiidiyoowga.

Kenyatta ayaa u sheegay sharci-dajiyayaasha in uu oggolaaday in uu shakhsi ahaan u hor tago ICC-da oo uu Madaxweyne Ku-xigeenka William Ruto si KMG ah xilka ugu wareejinayo. Kenyatta ayaa noqon doona madaxweynihii ugu horreeyay ee isaga oo xilka haya hortaga ICC-da.

“Walaalaheeyga Kenyankow, afar sano ka hor … ayaan daawaday oo rumeeysan waayay in magacayga iyo shan qof oo kale lagu sheegay in lagu tuhunsan yahay in ay mas’uuliyadda ugu weyn ku leeyihiin colaadihii daba socday doorashooyinkii 2007-2008-dii,” ayuu yiri Kenyatta. “Waxay ahayd halkii aan ka bilaabay safarkii dheeraa ee aadkaa ee aan u galay sidi aan nafteedyada uga difaaci lahaa eedeeymahaas halista ah.”

Kenyatta waxa uu sheegay in uu “beri ka yahay eedeeymaha” lagu soo oogay oo uu sidaa darteedna la shaqeeyay ICC-da si uu magaciisa u difaaco.

Dhinaca kale, xildhibaannada Isbahaysiga Dib-u-habeeynta iyo Dimuqraadiyadda (CORD) ee xisbiga mucaaradka ah ayaa sheegay in ay qaadaceen fadhiga gaarka ah sababtoo ah dacwad dhagaysiga Kenyatta waa arrin shakhsi ah mana aha qaddiyad qaran.

“Dastuurku waxa uu sheegayaa in madaxweynuhu kala hadlo baarlamaanka arrimaha heer qaran, oo maaha in uu kala hadlo ICC, sidaa darteed waxan waydiistay guurtideenna iyo xildhibaannadeennu in ay ka baaqdaan kulanka,” ayuu yiri Hoggaamiyaha Aqallabiyadda Golaha Guurtida Moses Wetangula sida ay sheegtay Capital FM-ta Kenya.

Kooxda Difaaca Kenyatta ayaa mar horeba u safray The Hague ka hor fadhiga, oo loo qorsheeyay in uu biloowdo 8-da October, Daily Nation-ka Kenya ayaa wariyay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com